|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo markale u hanbalyeeyay Dhigiisa Cusub ee Kenya

Dubai March 31 2013 (SDN)– Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madxweynaha dhawaantan la doortay ee dalka Kenya Uhuru Kenyati,isagoona sheegay in si weyn ay u soo dhaweynayaan.

Anigoo ku hadlaya magaca dowlada iyo shacabka Soomaaliya,waxaana hanbalyo gaarsiineynaa Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya,waxaan kalsooni ka muujineynaa hogaamintaada Kenya inay horseedi doonto hormar sanadaha soo socda.Natiijadii ka soo baxday doorashadii Kenya waxay muujineysaa rabitaanka shacabka Kenya iyo wanaajinta mustqabalkooda,waxaana aaminsanahay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya uu meeshiisa ka sii socon doono,islamarkaana sii kordhi doono Mustaqbalka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Madaxweynaha Soomaaliya isbadalka ka dhacay Kenya uu yahay mid hana qaad leh shacabkana guul ay ka gaari doonaan.

Hadalka Madaxweynaha ee uu ku soo dhaweynayo hogaanka cusub ee Kenya ayaa imaanaya,xilli maalintii shalay Maxkamada Kenya ay ku dhawaaqday in Madaxweynaha xaqa uu yahay Uhuuru Kenya.

Qaar ka mid ah hogaamiyaasha Caalamka ayaa dhankooda si diiran u soo dhaweeyay hogaanka cusub ee dalka Kenya.

SDN-DubaiĀ 

Comments are closed