|

34-sano Kaddib oo Diyaarada Ay u kala duuleyso dalalka Iran iyo Masar, Sababtu Maxaytahay?

Tehran March 31 2013 (SDN)– Duulimaadkii ugu horeeyay ee dhanka ganacsiga ee u dhaxeeya Masar iyo Iran muddo 34 sano kadib ayaa ka bilowday dalka Masar,iyadoo xiriirkii labada dal uu burburay sanadkii 1979 waqtigaa oo uu bilowday kacaankii Iran.

Masar iyo Iran ayaa isku raacay in dib loo bilaabo duulimaad toos ah bishii October sanadkii 2010 kahor intii talada dalka laga tuuray Husi Mubarak,laakiin xiligaa ma aysan jirin duulimaad socday xiligaa.Diyaarada waxaa iska leh ganacsade Masaari ah oo lagu magacaabo Rami lakah ,waxayna maalintii shalay markii ugu horeysay ka duushay magaalada Qaahira iyadoo gaartay Iran iyadoo soo qaaday siddeed ruux oo Iranian ah oo ay ku jiraan diblumaaziyiin.

Sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Qaahira isagoo intaasi ku daray inay soo qaadi doonto safarada xiga dalxiisayaal iyo ganacsato u kala dhashay Masar iyo Iran.

Xiriirka diblumaaziyadeed ee u dhaxeeya Iran iyo Masar ayaa jarmay markii uu dhacay kacaankii Iran sanadkii 1979 kaasi oo ka bilowday magaalada Tehran.

Laakiin horumarka laba dhinac ayaa socday sanadihii lasoo dhaafay,waxaana isku xirnaanshaha xiriirka dalalkaasi uu soo wanaagsanaaday kadib doorashadii Maxamed Mursi oo loo doortay madaxweynaha dalkaasi bishii June Sanadkii lasoo dhaafay.

Maxamuud Axmedinajad madaxweynaha Iran ayaa booqday dalka Masar bishii February ee sanadkaan taasi oo noqotay booqashadii ugu horeysay oo masuul darajadaa wato uu ku tago inka badan 30 sano ka dib dalka Masar.
Iran ayaa ka dalbaday Masar isxulufaysi dhanka istiraajiidiyada ,isagoo sidoo kale dalbaday in dhamaan dadka wadamada carabta ay muujiyaan isku xirnaan.

Maxamed Mursi ayaa dhankiisa booqday dalka Iran bishii Agoosto si uu kaga qeyb galo kulan caalami ah oo lagu casuumay gudi ay ku jiraan dalalka Masar Sacuudiga Iran iyo Turkey si ay kaga hadlaan dhameynta dagaalka sokeeye ee ka taagan Syria,wallow Sacuudiga uu ka haray kooxdaasi.

Comments are closed