Uncategorized

Ciidamada Mali iyo Faransiiska oo lawareegay Garoonka Magaalada Timbuktu

Timbuktu Jan 28 2013 (SDN)– Ciidamada Faransiiska iyo Kuwa Mali ayaa la wareegay Garoonka Magaalada Timbuktu ee waqooyiga dalka Maali halkaasi oo ay gacanta ku hayeen Kooxaha Islaamiyiinta ah ee dowladda ka soo horjeeda.

Ciidamada Iskaashanaya ayaa waxa ay sidoo kale ku sii siqayaan qeybaha kale ee Magaalada oo ay ku suganyihiin Islaamiyiinta Xiriirka la leh Ururka Al Qaacidda kuwaasi oo badi gacanta ku haya deegaanada Waqooyi.

Sargaal sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Mali ayaa sheegay in dagaalada dalkaasi ka soconaya ay guuleysanayaan islamarkaan Mucaaradka Islaamiyiinta ah laga saarayo dhulka Waqooyi.

Hormarkan laga sameyay dagaalka Mali ayaa imaanaya kaddib markii Sabtiidii ay Ciidamadu la wareegeen Magaalada Goa ee Istaraatiijiy ah taasi oo dhanka bari ka xigta maagaalada hada ay lawareegayaan Ciidmada Mali iyo Faransiiska.

Howlgalka Milatari ee uu Faransiisku ka wado Mali ayaa galay maalintiisii 17-aad waxana ay gacanta ku dhigeen dhar magaalo oo muddo bilooyin ah gacanta ugu jiray Islaamiyiinta xiriirka la leh  Ururka Al Qaacidda.

SDN