|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo oo lagu wado inay beri u kicitimaan Turkiga ,Xogaha Socdaalkooda iyo Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Turkiga ku sugan

Hargaysa 30.Sep 2013 (SDN)- Waxaa Maalinta beri ah lagu wadaa inay dalka ka ambo baxaan Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo kuwaas oo u sii jeeda wadanka Turkiga .

Siilaanyo oo Salaan ka qaadanaaya CiidamadaWarar lagu Kalsoon yahay oo Shabakada Somalidiasporanews.Com  ka heshay Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha ay booqashadan ku wehelin doonaan ilaa todoba Xubnood oo ka tirsan Golihiisa wasiirada iyo Xubno ka tirsan Shirgudoonka Golaha Baarlamanka.

Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa wararku sheegayaan inay salka ku hayso sidii ay Somaliland iyo Somalia u qaybsan lahaayeen dhaqaalihii ay ku yabooheen dhawaan Wadamada Midowga Yurub ee Mashruuca New Deal.

Warbaahinta Maxaliga ah ee Somaliland ayaa hore u hadal haysay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu Booqasho ugu Kicitimi doono wadanka Faransiiska hasa yeeshee waxaa muuqata in waxoogaa isbedel ahi u ku yimid Safarkaas isla markaana uu kan Turkigu soo horumaray.

Geesta kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida oo uu Warbixin ka jeediyay waxa uu sheegay inay Martiqaad rasmi ah ka heleen Ra’isal Wasaaraha Wadanka Turkiga Rajab Dayib Urdugan isagoo Xusay in dalka Turkigu uu yahay ka dhex dhexaadinaya Wada hadalada u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Somalia.

Dhinaca kale Wefti uu hogaaminayo Ra’isal Wasaaraha Dawlada Federaalka ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ku Sugan Wadanka Turkiga iyadoo la filayo inuu halkaasi Kulan foolka fool ah kula yeesho Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftiga uu Hogaaminayo kaas oo noqon doona kii u horeeeyay ee noociisa ah ee dhex mara Madaxweyne Siilaanyo iyo Ra’isal Wasaare Saacid .

wafdiga raysal wasaraha somalia ayaa waxa ka mida ganacsato iyo marwadiisa Caasha Xaaji Cilmi waxa kale oo raysal wasaarahu la kulmay Guddoomiyaha gobolka Istanbul ooo dhankiisa ballan-qaaday in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan dib u dhiska caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo guud ahaan gobollada ee dalka Soomaaliya. wadanka Turkia ayaa balan qaday inuu wax ka qaban doono horumarka Somaliya iyada oo la fialayo in heeshiso is kaashi ee xaga ganacsiga uu dalka turkia la gali doono Somaliland iyo Somalia.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Shabakada Qurbejoog.com

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed