Uncategorized

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo isbedel weyn laga dareemay caafimaadkiisa

Hargeysa Feb 09,2014(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dalka dib ugu soo noqday ka dib dhawr todobaad oo uu safar ku soo maray dalalka Ethiopia,France iyo Britain.

Madaxweynaha ayaa sida uu sheegay kolkii uu Hargeysa ka soo degay waxa uu nasasho iyo baaritaan caafimaad ku soo maray dalka UK.

Sida ka muuqatayna madaxweynaha ayaa xaaladiisa caafimaad  laga dareemayay isbedel aad u weyn.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii u horeysay warbixinada safarkiisa waxa uu bixinayay kiyoon gebi ahaantood ka akhrin warqad.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sidoo kolkii u horeeysay saxaafada u fasaxay in uu si waafi ah uga jawaabo suaalo ay weydiinayeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale iska saaray muraayadihii madoobaa ee uu sitay intii ka danbeysay markuu xilka la wareegay.

Waxa ay dadku xusuusteen Axmed Siilaanyihii mucaaridka ahaa ee Kulmiye ee hadaladu aaney ka kala baxsan jirin amaba aan saxaafada iyo umaddaba loo dhexeyn jirin.

Xubnahii madaarka u yimi  soo dhaweynta madaxweynaha oo qudhooda farxad isheyn kari waayay kolkii ay arkeen sida kalsoonida leh ee madaxweynuhu uga jawaabayo suaalaha ayaa sacab ku waashay.

Si kasta oo ay tahayna waxa madaxweynaha ka muuqday ka warheyn la’aan xaalada dalka kolka aad eegto sida uu uga jawaabayay arrimaha ka hig leh gollaha Wakiilada.

SDN-Hargeysa
contact@somalidasporanews.com