|

WAR DEG DEG AH:-Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Afkiisa ka Sheegtay Murashaxnimadiisa,Ogolaadayna inuu Gudoomiye Muuse la Tartamo,iyo arrimaha Nabadgalyada

Hargaysa 31.May 2014 (SDN/QJ) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ilaa Xalayba laga sugayay Shir Jaraa,id oo uu qaban lahaa ayaa Maanta si qarsoodi ah oo Warbaahinta loo diiday Khudbad Kooban uu ugu duubay Telefishanka ay Madaxtooyadu maamusho.

Mudane Siilaanyo Waxa uu Daboolka ka Qaaday inuu u Taagan yahay Murashaxnimada Shanta Sanno ee Soo Socota Marka ay Dhamaato Mudada Xil hayntiisa Kowaad, Waxaa Kale oo Madaxweynuhu ku Nuux Nuuxsaday inaanu Cidnaba u daba Fadhiisanayn Wixii Nabadgalyada ku Taxaluqa.

Madaxweynuhu Waxa uu Sheegay in Hadii Xisbiga Kulmiye uu  Guulaystay ay Waajib tahay inaan lagula Tartamin Hasa yeeshee Waxa uu Cadeeyay in Maanta laga bilaabo uu Ogol yahay in Muuse Biixi uu Kula Tartamo,Mar uu ka hadlayay Khilaafka Xisbiga Kulmiye Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu ahaa mid aan loo baahnayn,hadii uu dibada u soo baxayna ay haboonaan lahayd ayuu yidhi in lagu xaliyo xeerka iyo shuruucda xisbiga.

Goor dhow filo Hadalka Madaxweynaha oo dhagaysi ah Waxa  uu Sheegi doonaa Waxa uu ka Aaminsan yahay Aragtida Hogaamiyaha ay fiintu dhex miranayso ee Muuse Biixi,Khilaafka Kulmiye,Ergada Golaha Guurtida.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed