|

Gudida Ansixinta Ururada Siyaasada oo Sharciyeeyay Qaraarkii Xudun Xidhka u ahaa Muranka Xisbiga Kulmiye.

gudida diiwaangelintaHargaysa 31.May 2014 (SDN/QJ)- Guddida Diwaan Gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa sheegay in Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee ay magacaabeen Shir gudoonkii Shirweynaha Kulmiye yihiin kuwa Sharciga ah ee Xisbiga Kulmiye.

Go’aan Guddidu soo saartay ayaa Golaha dhexe iyo Guddida Fulinta sida weyn Garabyada Kulmiye iskugu hayaan ku sheegtay inay Sharciga waafaqsan yihiin.

Go’aanka Guddida ayaa u dhignaa sidan:-

“Ku: Hogaanka Xisbiga Kulmiye

Og: Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaran JSL

Og: Madaxweynaha J.S.L

Ujeeddoo: Cadayn

Anagoo tixraacayna Xeer No: 14 qoddobkiisa 25-aad faqraddiisa 4-aad iyo 5-aad oo u dhigan sidan:

4-(shirweynaha xisbiga Kulmiye waxa lagu dooranayaa

b. xubnaha hogaanka Xisbiga Kulmiye

t. Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

J. waxa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo Xeer hoosaadka Xisbiga)

5. (Liiska xubnaha guddida fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga iyo nuqul xeer hoosaadkooda ka mid ah waxa loo gudbinayaa xeer ilaalinta, komishanka Doorashooyinka iyo guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta qaranka muddo aan ka badnayn 30 maalmood shirweynaha kadib).

Anagoo tixraacayna qodobka 19-aad ee distoorka Xisbiga Kulmiye xarafkiisa (x) faqradiisa 1-aad oo u dhigan sidan (marka laga reebo xubnaha golaha dhexe ku soo gelaya qaabka ku xusan qodobka 27-aad soo xulista xubnaha golaha dhexe waxa magacyadooda ergada goboladdu ku soo ururinayaan xoghaynta shirweynaha).

Anagoo tixraacayna qod 25aad ee Xeer No:14 ee u dhigan sidan (guddida diiwaangelinta wuxuu awood u leeyahay in uu soo saaro xeer nidaamiye (reuglations) xeerka habdhaqanka (Code of Conduct) iyo awaamiir (directives) aan ka hor imanayn xeerkan.

Gudidu waxay halkan ku cadaynaysaa

1.Inuu na soo gaadhay go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye ee qabsoomay 28-29/04/2014

Go’aamadaas oo ah

1.Go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye

2.Liiska hogaanka ee Xisbiga Kulmiye

3.Liiska Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye

4.Liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Go’aamadan oo ay saxeexeen shirgudoonka shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye.

2.In aan guddida haba yaraatee aanay soo gaadhin go’aamo, liisas kale iyo wax cabashooyin ahi.

3.Iyadoo guddidu xafiiska fadhiday illaa lixdii galabnimo 6:00pm ee 29/05/2014 taariikhdaas oo ay ku ekayd waqtigii uu Xeer No:14 qodobkiisa 25aad ee aynu soo sheegnay ku xadeeyey wakhtiga kama danbaysta ah ee lasoo gudbin karo go’aamada shirweynaha.

Sidaas darteed, waxay guddidu aqoonsatay inay go’aamadaas soo gaadhay ee ay ku saxeexan yihiin shirguddoonkii shirweynaha 3aad ee xisbiga Kulmiye yihiin kuwa sharciga ah.

Allaa Mahad Leh

Saxeexa Magacyada gudida:

1.C/risaaq Jaamac Cumar

2.Aadan Geedi Qayaad

3.Cumar Xassan Axmed

4.Xasan Axmed Ducaale

5.Cabdalle Ibraahim Maxamed

6.Maxamed Cabdi maalik

7.Ismaaciil C/laahi Cali

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed