|

Madaxweyne Biixi oo hore ula wareegay deeqihii abaaraha iyo Waaheen ayaa iminka dalbaday in Zekedana lagu wareejiyo

Hargeysa (SD) – Madaxweynaha Somaliland oo xaly afur madaxtooyada ugu sameeyay culimada dalka ayaa ka hadlay dhawr arimood oo ay ururinta Zekeda ka mid tahay.

“Qiimaha ay culimadu ku leedahay dalka iyo bulshadu waa mid weyn oo waa dhaxalkii Ambiyada, waxana aan raacsanahay fikradda ah Diintu waa Asal, dawladda iyo shacabkuna waa Ilaaliyaan, sidaas darteed qiimaha ay culimadu leeyihiin baan kusoo dhaweynayaa, waanan ku qaddarinayaa.”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi ayaa ka dalbaday culimada in ay lacagaha Zekaadka ee  ummada ku waajibey lagu soo wareejiyo xukuumadiisa.

Waxa uu intaa raaciyay in culimada iyo shacabku ay arintaa ilaa hada ka dhego adeegayaan amarkiisa.

Madaxweynaha ayaa agaasime Zekaadka u soo ururiya dhawr sano ka hor u magaacaabay wasaarada Awqaafta.

Madaxweyne Biixi ayaa culimada u soo deliishaday in dawladihii Islamkaba lacagaha Zekaadka lagu wareejin jiray oo ay ummadda ka haqab tiri jireen.

Balse sida lala socdo, Madaxweyne Biixi ayaan looga baran in hatida ummadda uu ugu adeego canshuuraha xad dhaafka ah ee uu iminkaba xukuumadiisu shacabka ka ururiso.

Haseyeeeshee Ganacsatada waaweyn iyo shacabka ayaa arinka ku wereejinta zekaadka ee madaxtooyada ka dhago adeygay ilaa iminka.

Kulankii xalay ee madaxtooyada ayaa umadda u xaqiijiyay in Muuse Biixi damcay in hantida umadda ee dhan walba gacantiisa ku soo ururto.

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu culimada ugu baaqay inay bulshada ka waaniyaan cid kasta oo fikir qalloocan iyo fidmo faafinaysa, waqtina geliyaan midnimada bulshada, adkaynta ammaanka iyo ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Comments are closed