|

UCID iyo Waddani oo Beesha Caalamka u gudbiyay in Muuse Biixi diiday doorashooyin in dalka laga qabto

Hargeysa (QJ) – Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaa qoraal cabasho ah oo ay ka soo saareen xaalada doorshada Madaxweynaha Somaliland waxa ay u kala direen Golleyaasha dalka iyo beesha caalamka.

Qoraalka ay xisbiyada Mucaaridka ahi u direen Golleyaasha dalka iyo beesha caalamkaba waxay ay ku sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi diiddan yahay in jadwalka doorashooyinka Madaxweynaha loo sameeyo dalka.

Xisbiyada Qaranka ayaa Qoraalka waxa kale oo ay ku sheegeen in Madaxweyne Biixi  xukuumaddiisu ay qaaday tubtii kelitaliska.

Xisbiyada Mucaaridka Wadani iyo UCID ayaa xukuumadda ku eedeeyey tacaddiyo kala duwan oo ay sheegeen in loo gaystay bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo weliba hoggaanka xisbiyada qaranka, sida in madaxweynuhu u gacan qaaday guddoomiyaha xisbiga UCID iyo in CID-da looga yeedhay guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani ayaa ku eedeeyay xisbiga Kulmiye uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi dib u dhaca doorashada si ay talada usii hayaan, waxa ay sidoo kale in Kulmiye wado qorshe dalka khlakhal u horseedi kara.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xilku kaga egyahay bisha Noveber ee soo socota, halka shahaadooyinka xisbiyada qarankuna ay dhacayaan Bisha December ee isla sanadkan.

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

 

Comments are closed