|

Madaxweyne Farmaajo oo ka Noqday Mawqifkii adkaa ee uu Ka Taagnaa Saldhiga Mileteri ee Imaaraadku ka Samaysanayo Somaliland

Muqdisho 26. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dabciyay mawqifkii uu ka taagnaa saldhiga milatari ee ay dawladda Somaliland Berbera ka siisay Imaaraadka Carabta.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Mr. Farmaajo uu hakiyay olalayaal diblomaasiyadeed oo uu kaga soo horjeeday saldhigaas Berbera. Warku wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu lahaa dedaalka lagu hakiyay mooshin la doonayay in la horkeeno Baarlamaanka Somaliya oo ka dhan ahaa saldhiga Berbera, kaas oo la joojiyay in baarlamaanka la horgeeyo, waxaana mooshinkii loo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, ka dib markii sida la sheegay ay iska afgarteen mooshinkan madaxtooyada Muqdisho iyo shirguddoonka baarlamaanka Muqdisho.

Wararka uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijiyeen inaanay jirin wax sabab ah oo uu Farmaajo ku sababeeyay isbedelka ku yimid mawqifkii uu ka taagnaa saldhiga Bebera oo ahaa qodobka ugu muhiimsan ee uu sida adag ugala dooday madaxda dawladda Imaaraadka Carabta, markii uu dhawaan booqashada ugu tagay. Hase yeeshee dadka falanqeeya diblomaasiyadda ayaa aaminsan in Mr. Farmaajo uu laba qodob dartood uga noqday mucaaradadii saldhigaas Berbera.

Qodob ayaa la sheegayaa inuu yahay fursado dhaqaale oo ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka ogolaatay inay ku garab istaagto dawladiisa, ka dib markii uu ka codsaday in laga taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamada milatariga. Qodobkan ayaa la aaminsanyahay inuu yahay midka ugu muhiimsan ee uu u dabciyay mawqifkiisii hore.

Qodob labaad ayaa isna jira oo la sheegayo inuu sababay isbedelka ku yimid mawqifkii Farmaajo kaas oo ah culaysyo kala duwan oo diblomaasiyadeed oo dusha ka saaran dawladiisa, waxaanu go’aansaday inaanu culayska saldhiga oo ka imanaya Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ku sii biirin caqabadahaas hore ee haystay maamulkiisa oo qaarkood kaga imanayaan dawladaha gobalka oo la sheegayo inaanay isku sin banaanayn.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dhawr goor hore u sheegay inaanay doodda Baarlamaanka Somaliya khusayn Somaliland, maadaama oo ay Somaliland xorriyadeeda kala soo noqotay Somaliya islamarkaana Somaliland dhulkeeda ka taliso.

Comments are closed