|

Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir & Maamulkiisii Iyo Wasiir Loo Magacaabay Xilka Gudoomiyaha Banaadir 

Muqdisho 21. January 2018 (SDN/QJ):-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Ing Cabduraxmaan Cumar Yariisow  .

 

Waxaa sidoo kale Wareegtadan xilka looga qaaday Gudoomiye kuxigeenadii maamulka gobolka Banaadir marka laga reebo Guddoomiye kuxigeenka Howlaha guud, waxaana la magacaabay Gudoomiye kuxigeeno cusub iyo Xoghaya guud ee maamulka.

Halkan ka Akhriso Digreetada kasoo baxday Madaxweynaha

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)

 

Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha,  Federaalka & Dib-u-heshiisiinta;

 

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

 

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilal ka kala ah:

  • Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

 

  • Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;
  • Hussein Mohamed Nur waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada;

 

  • Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta

 

    • Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud

     

    • Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Comments are closed