Muqdisho April 04 2013 (SDN)– Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in ay gadaal ka riixayaan maamul u sameynta Jubooyinka oo ay dowladda Soomaaliya hada ka soo horjeedo.
Cumar C/rashiid ayaa ku sugan Kismaayo iyadoo la filayo in Madaxweynaha Puntland uu gaaro halkaasi oo uu ka soconayo shir looga arinsanayo sameynta maamul goboleed loo magacbixiyo Jubaland.
Maxamuud C/laahi Wehliye Waqaa oo ah guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Nabadda oo warsaxaafeed ka soo saaray Xafiiskiisa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale dhaqaalo 10-kun oo dolar gaaraya midkiiba la siiyay Xildhibaano gaaray Kismaayo oo qeybgalaya Shirka halkaasi ka soconaya.
Cumar C/rashii iyo Faroole ayaa sheegay in waxa ka soconaya Kismaayo uu ka warhayo xafiiska UNPOS ee siyaasada Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Maxamuud C/laahi Wehliye Waqaa guddoomiyaha Xisbiga Hormarka iyo Cadaalada ayaa tilmaamay in waxa Kismaayo ka soconaya ay wadaan Siyaasiyiintii ku hungoobay in ay boos ka helaan Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Si kastaba Shir maamul usameynta Jubooyinka ayaa ka soconaya Kismaayo iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeestay ismarkaana ay ku tilmaamtay mid aan sharci aheyn.
