Hargaysa 04.April (SDN) Sadex baabuur,oo ”Laba ka mid ahi ay yihiin Gaadiidka Yar yar iyo Mid Xamuul ah ayaa waxaa qaaday Shalay Galab Dooxa Degmada Agabar,Waxaana Sidaa noo Xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac .
Gudoomiyaha Degmadaasi waxaa kale oo uu Sheegay in Roobkaasi uu Waxyeelo u gaystay beero badan oo ku yaala deegaanka Caada oo ka tirsan Degmadaasi iyo kuwa Magaalada Agabar .
Axmed Yuusuf Jaamac waxa uu intaas ku daray in aanu Jirin Wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay Raxmaadka Gu’ga.
Maamulka Degmada Daara-salaam ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in Roobabkii habeen hore ka da’ay degmadaasi ay wax-yeelo u gaysteen Konton beerood oo ku kala yaala dhul-beereedka kal-qoray iyo Maluugta.
Gudoomiye ku xigeenka,ahna ku simaha Gudoomniyaha DEGMADA DAARA-SALAAM Axmed ibraahim Madar, ayaa sheegay, In Roobabka ka degmada habeen hore ay khasaare soo gaadhsiiyeen oo kale ceelashii biyaha oo ay aaseen iyo Mishiinadii biyaha ka soo Tuurayay oo ay qaadeen.
Dhinaca kale Deegaanka Jaleelo ayaa iyana lagu soo Waramayaa roobab Xoogan oo shalay Galab ka da’ay Jiidaasi ay baa’biyeen Shan iyo Toban Beerood,Sida uu noo Xaqiijiyay Gudoomiyaha Deegaanka Jaleelo Cali Xuseen Cabdi.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com
WAR
