|

Madaxweyne Faroole:Kulanka Shariif iyo Siilaanyo mid ummada wax ku soo kordhinaya ma aha

Dubai June 29,2012(SDN)-Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Md Cabdiraxmaan Faroole ayaa shaaciyay in uu ka hor jeedo wadahadalada Somalia iyo Somaliland ee dhawaananta la dardar geliyay.

Somalia iyo Somaliland ayaa madaxdoodu dhaanahan kulmayeen iyada oo aan sida uu sheegay Faroole aan wada tashoi lala yeelan Puntland.

Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in madaxweyne Shariif wadahadalada u isticmaalayo olole madaxtinimo,halka uu madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ictiraaf doon yahay.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar uu saxaafada kula hadlayay Dubai oo ah goobta labada madaxweyne ku kulmeen waxa uu sheegay in uu si weyn uga soo hojeedo wadahadalada labada dhan.

SDN-Dubai

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed