|

Madaxweyne Gaas oo Nidar ku Maray in ay Somaliland…..

gaas

 

Garowe. Puntland – Somalia. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliya ee Puntland ayaa nidar ku maray in uu soo celinaya dhul uu sheegay in uu ka maqan yahay oo ay Somaliland ka haysato. Waxa uu Cabdiwali Gaas sheegay in ay maanka ku hayaan sidii ay u soo celin lahaayeen Goboladda Sool iyo Sanaag iyo Buuhodle oo uu sheegay in ay gacantooda ka maqan yihiin.

Madaxweyne Cabdiwali oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi, Inta ay maqan yihiin Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn oo dastuurka inoogu yaal, jiritaanka qaranimadda Puntland waa ay kala dhiman tahay mana dhamaystirna. Dawladda Puntland waa ay haysaa dhabihii iyo tabtii ay ku soo celin lahayd dhulka ka maqan ee ay Somaliland ka haysato.

Haddalka kan ayaa waxa uu ku soo hagaagayaa xili qudbaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo uu Baarlamaanka Somaliland ka horjeediyey in uu Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas uu kula soo hadlay Telefon isaga oo ka raali-galinaya eedaymo Maamulka Puntland uu Somaliland u soo jeediyey. Kuwaas oo ahaa in Somaliland si toos ah iyo si dadban ba u taageerto Kooxda Argagaxisadda ah ee mayalka adag ee ka dagaalama Buuraha Gal-gala ee Maamul Goboleedka Puntland.

Inkasta oo isla Galinkii dambe uu Maamulka Garoowe waxba kama jiraan ku tilmaamey raali-galinta uu Madaxweyne Silanyo Gollaha Shacabka hortiisa ka sheegay. Taas oo dadka siyaasadda faaqidaa ay ku sheegeen in hadalka Madaxweyne Silanyo ee raali-galinta Puntland aaney ku habooneyn in lagu soo daro qudbadda sanad laha ah ee Madaxweynaha. Yaga oo ku doodaya marba haddii uu Somaliya ka hadley in aan loo baahnayn in uu Puntland oo ah Maamul Goboleed Somaliya hoos yimaada in uu u tix-galiyo sidii oo ay Somaliya ula siman yihiin.

Hadalkan, caawa ka soo yeedhay Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa la filayaa in uu noqdo mid carqaladeeya xidhiidhkii wanaagsanaadey ee uu Madaxweyne Silanyo sheegayey, wallow sidaa aaney la qabin marka horeba Puntland.

 

Mohamed Hagi Mohamoud

Somalidiasporanews.com

contact@somalidiasporanews.com

Coventry, UK 

 

Comments are closed