|

“Qiimaha Neefka Xooluhu Waxaa Uu Maraya Konton-Kun Waana Halkii U Hooseysay” Midka Ka Mida Dadka Xoola Dhaqatada Ah DAAWO

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Dadweynaha kala gadisan ee saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa ayaa siweyn uga dayriyay qiimaha iibka xoolaha oo siweyn hoos ugu dhacay.

waxaanay xukuumada ugu baaqeen inay u kuurgasho kala iibsiga xoolaha nool ee la keenayo saylada,oo aan imika waxba laga siisanin;.

Waligeedna sanad ay xooluhu ka jaban yihiin may soo marin saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa.
Iid Maxamed Bulbul oo ka mida dadweynaha xoola dhaqatada ah ee aanu saylada kula kulanay oo aanu wax ka weydiinay inta uu marayo iibka xooluhu ayaa waxaa uu yidhi “Neefka xooluhu qiimo aad u liita ayuu imka marayaa,neefka saylada la keena imika waxaa uu maraya 50-kun oo shilin”

Comments are closed