Sanca 11, October 2012 (SDN)- Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay madaxii amaanka Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Yemen, iyadoo fulinta weerarkaasna lagu xidhiidhiyay shabakada Al-Qaacida.
Siday ku warantay wakaalada wararka ee Reuters, ninkan oo la odhan jiray Qassem Aqlan, waxa Khamiista maanta toogtay niman hubaysan oo Mooto saarnaa, kuwaasoo rasaas ku furay xilli uu ku sii jeeday shaqada safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Sanca.
Warku wuxuu intaa ku daray, in xilliga la toogtay uu hoggaaminayay koox ka tirsan ciidanka baadhista amniga ee safaaradda Maraykanka, meel u dhow gurigiisa oo ku yaala badhtamaha caasimadda dalkaas ee Sanca, siday ku warantay Reuters.
“Hawlgalkani waa fartii Al-Qaacida, taasoo fulisay hore u fulisay hawlgalo la mid ah,” sidaa waxa sheegay cid ay Reuters oo codsaday in aanay magacaabin.
Al-Qaacida degel-fadhiga ku ah Yemen oo magacooda loo soo gaabiyo AQAP iyo kooxo kale oo maleeshiyaad ahi, waxay ku xoogaysteen qaybo ka mid ah dalkaas intii lagu gudo jiray kacdoonkii galaaftay Madaxweynihii hore Cali Cabdalle Saalax bishii February.
Dawladda Washington waxay ka welwelsan tahay xoogaysiga Al-Qaacida, waxayna la dhaceen duqaymo loo adeegsaday diyaaraddaha aan duuliyuhu wadin oo lala eegtay maleeshiyaad laga shakiyay, si ay u taageerto ninka Mr. Saalax bedelay, Madaxweyne Abdu-Rabbu Mansour Hadi.
Nin ka mid ah dadka deriska la ah ninka safaaradda u shaqaynayay ee lagu toogtay Sanca, waxa uu sheegay in nimankaa hubaysani Madaxa iyo Laabta ka toogteen.
Ninkaas oo la sheegay inuu ku jiray da’da kontomeeyada, waxa uu safaarada Maraykanka ee Sanca u shaqaynayay in ka badan toban sannadood, wuxuuna masuul ka ahaa isku-xidhka xogaha amniga ee safaaradda Maraykanka iyo masuuliyiinta dawladda Yemen.
Qurbejoog.com, Sanca
