|

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo u Kicitimay Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag DAAWO

Hargaysa 08.July 2018 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa maanta u kicitimay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, si uu uga qayb qaato nabadeynta dirirta laba beelood oo walaalo ah ku dhex martay degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii waxa uu sheegay inuu ku niyadsan yahay in nabad buuxda laga dhex dhalin doono laba ardaa ee dirirta khasaaraha keentay ku dhex martay jiida deegaanka Ceel-afweyn.

 

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu sheegay in ergo ballaadhan oo ka kala socda culimada, madax-dhaqameedka, iyo waxgaradka reer Somaliland ay gaadheen degmadda Ceel-afweyn, waxaanu xusay in la bilaabayo wadahadalkii u horreeyey ee nabadeynta lagu bilaabayey, waxaanu soo dhaweeyey in labada beelood ee shaqaaqadu dhex martay ay hore u shaaciyeen inay soo dhaweynayaan in nabad iyo wada hadal lagu soo afjaro colaadii halkaasi ka taagnayd.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL waxa socdaalka uu ugu kicitimay gobolka Sanaag ku wehelinaya wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda oo gacan ka geysanaya dedaalka lagu soo afjarayo shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ka taagnaa deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Comments are closed