|

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Booqasho Taariikhi ah Maanta ku Tegay Dalkii ay Colaada Gaamurtay u dhaxaysay ee Eritrea

Asmara 08.July 2018 (SDN/QJ):-Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa Socdaal ku tagay   Maanta dalka Eritrea iyada oo maalmo yar laga joogo ka dib markii ay labada dal wadahadalo ay doonayaan inay ku soo af-jaraan colaaddii labaataneeyada sanadood ka taagnayd Xadka labada Dal ay wadaagaan.

 

Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa wuxu noqonayaa Hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee socdaal ku taga Eritrea muddo labaataneeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal xumaa.

Bishan horaanteedii, ayaa Ra’isal Wasaare Aby, waxa uu qaabilay wefti sare oo ka socday dalka Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea siinayey dhulka la isku haystay.

Heshiiskaa oo ay gaadheen guddidii loo saaray khilaafka xadka sannadkii 2002-dii, ayaanay si rasmi ah Itoobiya hore ugu aqbalin.

ilaa iyo markii uu awoodda la wareegay bishii Abriil Raysal Wasaaraha Abiy, waxa uu ku tallaabsaday isbedello waawayn oo ay ka mid yihiin, in uu oodda ka qaaday kumanaan maxaabiis ah, waxa uu laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka saarrayd waxaanu sidoo kale shaaciyey in dhaqaalaha waddanka uu furfuri doono.

Eritrea waxay xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kul jirtay, hase yeeshee shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeyaa oo waxa ku dhintay kumanaan qof.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Asmara Ra’iuslwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, kadibna usii kaxeeyay qasriga madaxtooyada.

Comments are closed