Hargeysa, 06, May 2012 (SDN)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaah Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Xarunta Wakaallada Biyaha Hargeysa, isla markaana waxa uu daah-furay laba mishiin oo nooca waawayn oo ay Wakaalladu soo iibsatay.
Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayeen Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Ciyaaraha ugu maareeyaha Wakaallada Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka ay u hirgeliyeen mashaariicdan, isagoo xusay inay wakaalad ahaan aanay cidna ka caawin laba mishiin oo qiimahoodu gaadhayo 120 kun oo dollar iyo dhismaha saddex xafiis oo casri ah.
Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isaguna ammaan ujeediyay maareeyaha Wakaalada Biyaha iyo dhamaan hawlwadeennada oo uu ku tilmaamay inay hawl fiican qabteen.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaguna wax lagu farxo ku tilmaamay horumarka dhinaca biyaha ee laga sameeyay magaalada Hargeysa, isagoo xusay inay arrintaas ay keentay maamul wanaag uu tilmaamay in xukuumaddoodu la timi. Waxaana ka mid ahaa hadalladiisii. “Runtii aad baan ugu faraxsanahay is-bedelka muuqda muddadaas aanu joognay horumarka laga sameeyay biyaha Hargeysa, reer Hargeysana farxad ayay u tahay, awalba lacagtani way jirtay, laakiin imika tan waxa keenay maamul wanaaga.” ayuu Madaxweyne ku-xigeenku.
SDN, Hargeysa
