Uncategorized

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ku haftay Su’aalo ay saxaafadu la daba gashay DAAWO

Hargaysa 11.Nov (SDN/QJ)- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo ay Weheliyaan Wasiirada Duulista Mudane Maxamud Xaashi Cabdi iyo Hawlaha Guud ayaa Warbaahinta kula hadlay Madaarka Caasimada oo uu Madaxweyne ku xigeenku Xadhiga kaga jaray kaba Mashruuc oo wasaaradda duulistu ku soo Kordhisay Madaarka Cigaal.
Madaxweyne ku Xigeenka J.S.L ayaa Warbaahintu wax ka waydiisay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin Sababta uu u qabsoomi waayay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu hogaankiisa ka mid yahay,Dhaliilo uu Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Waddani u soo jeediyay,Waxa laga qabtay Tabashadii Odoyaasha dhaqanka ee Gobolka Awdal.