Jigjiga, 13, May 2012 (SDN)- Madaxweyne ku-xigeenka D.D.S ayaa dhagax-dhigay xarun wax akhris oo ay hirgeliyeen Ururka SEWD Foundation oo ay aas-aaseen muwaadiniin u dhashay D.D.S.
Munaasabada Dhagax dhigida xaruntan ayaa waxa Madaxweyne ku-xigeenka DDSI ahna Hogaanka Nabadgelyada iyo Cadaalada Cabdilaahi Yuusuf Weerar kala qaybgalay Wasiirka Arrimaha Xidhiidhka Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Guure Bisle, Wasiirka Qurbejoogta DDSI Cabdi Maxamed Gama’diid, Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga Cabdi Daahir Qaasim, Gudoomiyaha Ururka SEWD Marwo Foowsiya Sh Cabdilaahi, Maareeyaha Dugsiga Hoyga iyo Waxbarashada Agoonta Jigjiga Bashiir iyo Masuuliyiin kale.
Waxa haddalo ka jeediyay munaasabada Wasiirka Qurbejoogta, Kusiisimaha Xafiiska Waxbarashada DDSI. Maareeyaha Machadka Hoyga iyo Waxbarashada Agoonta Jigjiga oo isagu Faalo ka bixiyay tirada Ardayda Agoonta Dhigata Dugsiga iyo Dadaalada Hagar la.aaneed ee Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo Xukuumadiisu Saacad kasta la garab taagan yihiin Daryeelka iyo Xanaanaynta Caruurta. Sidoo kale waxaa iyana ka Hadashay Munaasabada Dhagax dhiga xaruntan wax akhris ee laga hirgelinayo dugsiga hoyga carruurta agoonta ah Gudoomiyaha Ururka SEWD Marwo Fowsiya Sheekh Cabdilaahi, islamarkaana ka faalootay asbaabihii ku dhaliyay in ay aasaasaan Ururkan iyo inay Xukuumada DDSI ku garab istaagaanba Daryeelka iyo Tayaynta Waxbarashada Caruurta
Madaxweyne ku-xigeenka ahna hogaanka nabadgelyada iyo caddaalada ee DDS Cabdilaahi Yuusuf Weerar ayaa ka hadlay qorshaha Xukuumadda ee waxbarashada, isagoo xusay in Xukuumadda ay ka go’an tahay inay dhisto xarumo badan oo noocan oo kale ah.
SDN, Jigjiga
