Harari:Oct,05,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Da’da Lasii Tiicaya ee Dalka Zimbaabwi Muddada dheer Gacanta Kusoo Hayey, ayaa Saraakiishiisa Booliska usoo jeediyey Dalab yaableh oo aanu waligii caado u lahayn.
Robert ayaa saraakiisha ka dalbaday inay u dhoolacadeeyaan dalxiisayaasha imanaya dalkaasi. wuxuuna ceeb ku tilmaamay in sargaal boolis ah cadho la kuuso Gafuurkiisak, taas oo niyadda ka jabin karta Dadka Dalxiisayaasha ah ee Dalkaasi imanaya.
“waar is furfura si aan lacag badan uga helno dalxiisayaasha dalka imanaya” ayuu yidhi Madaxweynaha dhibka badan ee hogaamiya dalka Zimbaabwe.
Madaxweynaha Zimbaabwe ayaa la tilmaamayaa inuu yahay shaqsi Waji maxbuus ah oo aan kaftamin iska daa inuu dhoolacadeeyee.
Waxaana la tilmaamaa inuu si jees jees u muujiyo ilkihiisa marka uu doonayo inuu caayo umadaha kale.
soo jeedintiisan ayaa u muuqata mid ka soo yeedhaysa shakhsi qalafsan oo doonaya in la helo dad qosol kusoo dhaweeya dadka dalxiisayaasha ah, waxase su’aashu tahay mar Haddii uu isaguba waji duban dadka ku qaabilayo sida ay suurtogal u noqon doonto in la helo saraakiil qosol dadka ku qaabisha.
Madaxweyne Mugabe ayaa ah nin dictator ah, waxana uu dalkaas gacan bir ah kusoo xukumayey muddo badan, iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen warar sheegaya inuu doonayo sidii uu haweenaydiisa talada ugu wareejin lahaa doorashoyinka dalkaasi ka qabsoomi doono sanadka 2018-ka
SDN/QJ
