Uncategorized

Shil Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Ka Dhacay Aagga Gabiley

Gabiley:Oct,05,2014(SDN/QJ)-Laba Qof oo midkood ahaa Wiil yar oo Toban Bilood jirey, ayaa ku dhintay Shil gaadhi oo shalay ka dhacay Aagga Bari ee Magaalada Gabiley, halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale.

shileQofka kale oo Halkaas ku geeriyooday ayaa waxa uu ahaa Aabaha dhalay Wiilkaas yar ee Tobanka Bilood jirey, waxana magaciisa lagu sheegay  Aadan Maxamed Aw Cabdi, kaas oo isla goobtaas ku naf waayey.

Gaadhiga sababay dhimashada labada ruux ayaa ahaa baabuurta yar yar ee loo yaqaano (Vitz) ka dib markii uu wadada kala baxay isla markaaasna uu ku dhacay geed ku dhawaa laamida dhinaceeda koonfureed taas oo sababtay dhimashada Marxuum Aadan Maxamed Aw Cabdi iyowiilkaas yar ee uu aabaha u ahaa iyo dhaawac lagu qiyaasay ilaa shan qof oo haween iyo Rag isugu jira.

Dhimashaada Aabaha iyo wiilkaas yar ee uu dhalay iyo dhaawicii ayaa la dhigay Cusbitaalka Guud ee Magaaada Gabley, halkaas oo xalay fiidkii laga soo qaaday Marxuumka geeriyooday iyo ilmhaas yare e saqiiray, waxaana la keenay guriga Marxuumka dhintay oo ku yaalay Magaalada Hargeysa gaar ahaan agagaarka  Jaamacada new generation.

Shalay oo ciid ahayd, ayaa lagu tilmaamay maalintii ugu shilka yarayd marka loo eego ayaamaha Ciidda oo inta badan dhimasho iyo dhaawac tiro badani ay dhici jiryeen, waxase qaddarta Eebe ka sokow loo nisbeeyey taas ciidanka Nabadgelyada waddooyinka oo ayaamahan si weyn u shaqaynayey.

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiaporanews.com