|

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maxamed C.laahi Farmaajo oo Isla Qaatay in Dalka Jabuuti uu noqdo ka Marti geliya Wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia & Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka Hadlay DHAGAYSO

Hargaysa 10. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isla gartay in kulanka koowaad ee lagu furayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto dalka Djibouti. Sidaas waxa Wargayska Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Sida ay xogahani tibaaxeen labada Madaxweyne waxa ay isla garteen in kulanka koowaad oo la filayo inuu qabsoomo bisha March ay goob-joog ahaadaan, waxaanay wada hadal la sheegay in loo kala dab qaaday ka dib ay isla garteen in Djibouti noqoto dalka furaya wada hadalka hakadka galay.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa kale oo la sheegay inay isla garteen inaan Turkiga lagu koobin martigelinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, maadaama oo aanay wada hadaladii Turkiga lagu qabtay waxba ka soo bixin. Fikirkan oo la sheegay inuu watay Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka warwareegay laakiin uu aakhirkii aqbalay. Markaas waxa ay Djibouti noqon doontaa dawladda bedeli doonta dawladda Turkiga.

Shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa aaminsan inaanay dawladda Turkigu dhexdhexaad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya maadaama oo ay dawladda Turkigu aad u taageersantahay una ololayso fikirka midnimada Somaliland iyo Somaliya. Laakiin dawladda Djibouti lafteeda ayaa si cad u aaminsan wixii la odhan jiray midnimadii Soomaaliya ee burburtay sannadkii 1991-kii, waxaanu Madaxweyne Ismaaciil Cumar dhawr munaasibadood ka cadeeyay aragtidiisa, wuxuuse ku ladhaa in mustaqbalka Somaliland iyo Somaliya uu u yaalo dadka Soomaalida ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaalkiisii u horeeyay wuxuu ku tagay dalka Djibouti oo uu kula soo kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhawaan safar ku tagay dalka Djibouti oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo bilaabmay sannadkii 2012 oo ahayd markii uu Mdaxweyne Siilaanyo laba sannadood talada hayay; ma jiraan wax macno leh oo ka soo baxay marka laga reebo shirar labada wefti dhex mara iyo heshiisyo la saxeexo oo u muuqda in miiska wada hadalka lagaga yimaado.

Dhanka Kale Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib ufurmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

 

Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qoshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 

Weli dowladda Soomaaliya kama hadal wada hadalladan uu wasiirku ka dhawaajiyay iyo kulan uu horey u sheegey in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay Addis Ababa isku arkeen.

Comments are closed