|

Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland oo Si Balaadhan Loogu Soo dhaweeyay Magaaladda Buuhoodle oo uu Safarkiisii Kowaad ku Tegay DAAWO

Buuhoodle 10. February 2018 (SDN/QJ):-Wefdi balaadhan oo uu Hogaaminayo Wasirka Wasaarada Hawlaha Guud Guriyaynta iyo Dhulka Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa Socdaal shaqo ku tagay Magaalada Buuhodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle.

Ujeeda Safarka Shaqo ee Wafdigan uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Guriyaynta iyo Dhulka Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi uu ku tagay ayaa ahayd Xogogaal u noqoshada Xaalada Guud ee Gobolka Buuhodle..

Waxaana Safarkiisa shaqo  Wafdigani ka bilaabay Degmada Qori-lugud,  oo kamidah Degmooyinka waawayn ee Gobolka Buuhoodle waxaana uu Wasiirku halkaa warbixin kaga dhagaystay Masuuliyiinta iyo wax garadka Degmada Qori lugud iyadoo laysla Qaatay in laga wada shaqeyo Horumarinta Degmadaasi taasoo ay kaw ka tahay Nabad gelyadu.

Intaa kadib Wasiirka iyo Wefdigiisu waxaa ay soo mareen Deeganada  Maygaagle, Sooljoogto, iyo Shangale iyadoo halkaasi loogu soo dhaweyya si heersare ah Waxaana ay halkaasi gaadhsiiyeen Taakulayn deeq biyo ah.

Ugu Dambayntii  Wasiirka Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi  Hawlaha Guud Guriyaynta iyo Dhulka Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi waxaa ay soo gaadheen Magaalada Buuhoodle iyadoo halkaa si diiran loogu soo dhaweeyay Dadweyne aad u tiro badana ay kala hadleen.

Comments are closed