|

Madaxweyne Rayaale oo looga maarmi waayay xaalada dalku ku jiro

Hargeysa Jan 2012(qurbejoog.com)-Madaxweynihii hore e Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku soo jeeda magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ka dib kolkii bilihii u danbeeyay uu dalku galay xaalad xasaasi ah.

Madaxweynaha oo wax yaabaha lagu xasuusto ay ka mid ahaayeen iska moosida shirarka Soomaalida loo qabto ee fawdada ku dhamaada iyo isku heynta beelaha Somaliland ayaa taladiisa laga maarmi waayay.

Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo kale loogu baahday in uu ka talo bixiyo xidhiidhka sii xumaanaya ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa looga fadhiyaa inu kala guro xubnaha xisbigiisii UDUB ka tirsan ee ku muransan cida musharaxa ka noqoneysa tartanka soo soocda ee madaxtinimada.

Si kastaba ha ahaatee waxa dad badani isla qireen in madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin uu ahaa shaqsi mudo ku soo jiray siyaasada dalka isla markaana fahamsanaa habdhaqanka bulshada isla markaana talo wadaag ku caan ahaa.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed