|

Qoys xabsi daaim lagu xukumay ka dib kolkii ay ku cadaatay dilka afar ruux oo isla qoyskaas ka mid ah

Ottawa Jan 30,2012(qurbejoog.com)-Qoys ka kooban aabihii hoyaadii iyo inan ay dhaleen oo lagu soo eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilka afar haweena oo isla qoyskaas ka tirsanaa ayaa maanta xaakim ku xukumay xabsi daaim ka dib kolkii xeer beegti dacwadooda dhawr todobaad dhegeysaneysay ay soo saareen goaan denbigaa ku cadeynaya.

Sadexdan ruux ee denbiga lagu helay ayaa kala ah Maxamed Shaffia iyo xaaskiisa Tooba Yaxya iyo inanakooda ugu weyn Xamiid.sadexdan ruux ayaa lagu soo eedeeyay in ay dileen sadax hablood oo qoyskaa ka koobnaa iyo xaas kaleoo uu Maxamed hore u qabay.

Qoyskan oo ku noolaa magaalada Montreal ayaa lagu helay dilka Zaynab,sahar iyo Geeti Shafia iyo haweeney aheyd xaaska Maxamed oo iyana la yidhaahdo Rona Maxamed Amiir.

Meydka dumarka ayaa bishii Juun ee ina dhaaftay laga helay gaadhi laga soo saaray canal ku yaal magaalada Kingston.

Robert Maranger oo akhriyay xadhiga qoyskan ayaa sheegay in falkani ahaa mid axmaqnimo ah oo aaney u dulqaadan karin bulshadani,waxa keliya ee haweenkani ku muteysteen dilkan waa uun islaweyni qalafsan oo idinku jirta.

Denbi oogeyaasha ayaa sheegay in Aabaha qoysku u dulqaadan waayay in habdhaqanka hablihiisa oo lidi ku ahaa diinta iyo dhaqanka qoyskan ka soo jeeda dalka Afgaanistaan.

 

Qurbejoog-Ottawa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed