Hargaysa 20.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo shil baabuur ugu geeriyooday 19/11/2013 galbeedka Hargeysa.
ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii iyo qaraabadii ay ka tegeena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadeeyey Gudoomiyaha Shirkada Somcable Maxamed Aw Siciid Geedi oo walaalkii Maxamuud Aw Siciid Geedi uu ku geeriyooday shilkaasi, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu caafimaad u baryey dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in illaahay caafimaad sareecana uu siiyo.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay MARXUUM MAXAMUUD AW SICIID GEEDI oo ku geeriyooday shil gaadhi oo 19/11/2013 ka dhacay duleedka Galbeed ee caasimadda Hargeysa, waxaannu si gaar ah tasi tiiraanyo leh ugu dirayaa Ganacsade Maxamed Siciid Geedi oo ay Marxuumka walaalo ahaayeen.
Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska, qaraabada iyo ehelada ay ka baxeen Marxuumiinada kale ee ku dhintay shilkaasi naxdinta leh, isagoo dhammaantood Ilaahay uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, inta ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
