Hargeysa 4, Sept. 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta ku soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu ka qaybgalay aaska Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyeen wasiiradiisa Khaarajiga, Madaxtooyada iyo marwadiisu, waxa uu galabta ka soo degay madaarka caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu doraad Addis Ababa kaga qaybgalay aaska Meles Zenawi.
Madaarka oo ay diyaarad yar oo gaar ahi keentay, waxa ku qaabilay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiiro, masuuliyiinta hayadaha dawlada, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo mudaneyaal ka tirsan goleyaasha Baarlamaanka iyo dadweyne kale.
Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada Madaarka, waxa uu sheegay inay qaran ahaan ka qaybgaleen aaskii Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya, isla markaana ay dawlada Itoobiya iyo qoyska hoggaamiyihii geeriyooday u tacsiyadeeyeen, una muujiyeen siday uga xun yihiin geeridiisa.


Waxa uu tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo iskaashi qotodheer, isla markaana uu sidii hore uun ahaan doono cilaaqaadkooda dhinaca iskaashiga iyo xidhiidhka labada dhinac.
Intaa ka dib, waxa Madaxweynaha ay kolanyo gaadiid ahi u galbiyeen dhinaca Madaxtooyada, iyadoo uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
