|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Booqdasho Xumad-jebin ah Saaka Ugu Tegay Maato Qaxooti ah Oo Kasoo Yaacday Dagaalada Dalka Yemen, Soona Gaadhay Berbera

Berbera:May,31,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa Maanta Booqday Goobaha ay ku sugan yihiin dadka qaxootiga ah ee Ku sugan Magaalada Berbera, kuwaas oo dhawaan kasoo cararay dagaalada waddanka Yemen ka socda.

bocrBooqashada Madaxweynaha, ayaa xumad-jebin u ah cadho ka dhalatay Go’aan dhawaan Xukuumaddiisu  qaxootiga soomaalida ah ugu diiday innay kasoo degeen Dekedda Berbera, kaas oo markii dambe laga noqday balse saamayn xoogan ku yeeshay Sumcadda Xukuumadiisa.

Madaxweynaha oo uu garab taagan yahay guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ee wejigiisu caanka ku noqdey celinta dadkii Maatada ahaa ee ka soo qaxay Yemen ayaa kor u qaadey mid kamid ah caruurta Yemen ka soo qaxdey si uu u muujiyo inuu ixtiraam u hayo maatida qaxootig ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ee Soomaaliland soo gaadhay aanay shicib iyo dowladuba waxba kala hadheyn qaabilaadda qaxootiga jinsiyad kasta oo ay yihiinba.

Maalintii shalay ayaa Somaliland si rasmi ah uga noqotey go’aankii ay ku horjoogsaneysey dadka Soomaalida ah ee dalkooda dib ugu soo laabanaya iyada oo kuwa Gobolada aan Somaliland maamulin markii hore loo diidey in ay yimadaan Berbera ama ka soo degaan Maraakiibta ay ku soo qaxeen.

Shacabka Somaliland iyo hay’adaha Caalamiga ah ayaa si weyn ugu cadaadiyey Somaliland in ay ka laabato go’ankaas, waxaana canbaareeyey Dowladda federaalka ah ee caalamku ictiraafsan yahay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed