Hargeysa:Oct,07,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Markii ugu horraysay Golaha Wakiillada Somaliland usoo gudbiyey xubno uu u qoondeeyey inay kamid noqdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, kuwaas oo ay ku jiraan Xubno katirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa haatan ganafka ku dhuftay Xubin uu xisbigga waddani kusoo darsaday Guddidan, isagoo sababta ku sheegay inuu leeyahay astaamo xisbi, isla-markaana aanu dhexdhexaad noqon karaynin, balse waxa aanay wali indhihiisu qabanin sababta uu Xubnahan ugu soo daray Golihii dhexe ee Xisbigiisa talada haya.
Xubnahan uu Madaxweynuhu dhinaca Wakiillada usoo gudbiyey, ayaa waxa ku jira Laba xubnood oo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ah, waxana ay kala Yihiin Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isaga ay soo Gudbiyeen Golaha Guurtidu, isla-markaana uu madaxweyne Siilaanyo Ansixiyey iyo Maxamed Jaamac Maxamed oo uu Madaxweynaha Laftiisu qalinkiisa kusoo doortay xilli uu Kulmiye katiran yahay.
Shacabka iyo Axsaabta Mucaaridka ayaa sas ka muujiyey Go’aanadan uu madaxweyne Siilaanyo Xubnihii Xisbigiisa ka tirsanaa Ugu soo daray Komishanka xilli xataa aanay jirin Meel ay ku muujiyeen Is Casilaadooda, waxana si weyn loo Hadal hayaa Sababta uu Madaxweyne Siilaanyo u diidan yahay Xubinta Waddani oo ahaa Maxamed Cismaan Fadal oo hore u shaaciyey inuu iska Casilay Xubinnimadii Xisbiga Waddani.
Dadka qaarkood ayaa aaminsan inaanu Madaxweyne Siilaanyo wax aqoon ah u lahayn xubnahan ka socda Komishanka iyo dhinaca Xisbigiisaba, isla-markaana la siiyey warbixin qaldan oo loogu sheegay niman aan cidna ka tirsanayn.
Golaha wakiillada oo iyagu leh awoodda ay xubnahani kaga mid noqon karaan Guddida Komshinka qaranka, ayaa haatan ku jira Fasax Dheer, waxana la filayaa inay Marka ay muddo Afartameeyo cisho ah kadib soo noqdaan ay lafo guri doonaan Xubnahan uu Madaxweyne Siilaanyo usoo Gudbiyey oo Bulshadu saluug ka muujisay.
Xisbiga Waddani oo isaga markii Labaad xubintiisii la celiyey, ayaa la filayaa inuu soo beddelo xubintaas, isla-markaana uu keeno xubin kale oo madaxweyne Siilaanayo dhegihiisa iyo indhihiisaba ku cusub.
SDN/QJ
Contact@somalidiasparonews.com
