Minneapolis 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Keith Ellison oo ah Mudanaha Keliya ee Muslimka ah ee ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka, ayaa markii ugu horreysay si damqasho leh uga hadlay Kufsi iyo Tacaddiyo Badheedh ah oo ay Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ka jooga guda dalka Soomaaliya ay kula kaceen Haween Soomaaliyeed oo Masaakiin ah.
Mudanahan Muslimka ah ee ka tirsan Aqalka Congress-ka ee dawladda Maraykanka, ayaa soo jeediyey in loo baahan yahay in baadhitaan rasmi ah oo dhammaystiran lagu sameeyo tacaddiyada, Galmada Qasabka ah ee Kufsiga iyo dhibaatooyinka ay Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya joogaa kula kaceen Haweenka jilicsan ee Soomaaliyeed.
Gaar ahaan waxa uu Xildhibaan Keith Ellison soo jeediyey in Midawga Afrika si madax-bannaan oo dhab ah u baadhaan xad-gudubyada ay Haweenka Soomaaliyeed u geysteen Ciidammada ka socda dalalka Uganda iyo Brundi oo ka tirsan hawlgalka nabad-ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya Ciidammada badani ka joogaan.
“Xad-gudubka Kufsiga ay Hay’adda HRW ku qeexday warbixinteeda waa mid laga naxo. “Haweenka Soomaaliyeed ma ahayn in ay ka baqaan ciidammo loosoo diray inay difaacaan. Mareykanka ah oo dhaqaalaha ugu badan ku bixiya howlgalka AMISOM ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay in baaritaan hufan oo dhameystiran lagu sameeyo arrintan, sidoo kalena kuwii geystay si dhab ah loola xisaabtamo.” Sidaa ayuu yidhi Keith Ellison oo laga soo doorto gobolka Minnesota oo ah gobolka ay ugu badan yihiin Soomaalida deggan waddanka Maraykanka.
Xildhibaan Keith Ellison waxa uu sidaas ku sheegay Warbixin uu kaga hadlayo arrintan tacaddiyada iyo Kufsiga Haweenka Soomaaliyeed ay u geystaan Ciidammada ka socda Midawga Afrika ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya oo dawladda Federaalka ah ka gacan-siiya dagaallada ay kula jirto Malleeshiyada Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab. Waxaanu noqonayaa Xildhibaankii ugu horreeyey ee Maraykankan ah ee sidan oo kale uga hadlay Kufsiga iyo Xad-gudubyada AMISOM kula kacdo Haweenka Soomaalida ah ee ku sugan guda dalkooda. Warbixintaas oo uu Xildhibaanku soo gaadhsiiyey Warbaahinta HOL oo aannu ka soo xigannay warkiisa.
Arrinta Kufsigan oo muddo hore soo shaac baxay, ka dib markii ay Bishii hore Warbixin arrintaas lagu shaaciyey soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha u doodda ee HUMAN RITHGS WATCH, oo ka shiftay Kufsiyada ay Ciidammada AMISOM sida qasabka ah ugu geysteen Dumarka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Gabdho 12 sano jir ah iyo Haween Danyar iyo Barakacayaal isugu jira oo ay ku khiyaamiyeen inay Xeryaha Raashin Gargaar ah ugu qaybinayaan, markii ay is-dheheen doontana ay Kufsi iyo xad-gudubyo kale kula kaceen oo ay Xeryohooda ugu dhex-geysteen Gabdhahaas sida ay Hay’addu Warbixinteeda ku sheegtay.
Hase-yeeshe, Beesha Caalamka sida Qaramada Midoobay, Hay’adaha kale ee Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa iyo dawladaha iyo Ururrada Waaweyn ee Caalamiga ah, ayaan arrintan tacaddiga iyo xad-gudubyada ah ee Haweenka Soomaaliyeed ay AMISOM u geysteen ka hadal haba-yaraatee, waxaanay dhegaha iyo indhahaba ka furaysteen Warbixinta ay Hay’addan caalamiga ahi soo saartay ee soo bandhigtay waxyaabaha laga naxo iyo tacaddiyada Ciidammada Midawga Afrika ka geysteen gudaha Soomaaliya.
Inkasta oo Ururka Midawga Afrika (AMISOM) warbixintaas beeniyey, isla markaana ballan-qaaday inay samayn doonaan baadhitaan buuxa, haddana ma jiro illaa hadda wax aan cudur-daar ahayn oo ka soo baxay dhanka Midawga Afrika iyo baadhis ay sameeyeen toona, balse mid ka mid ah Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa ee Qaramada Midoobay, ayaa iyaduna bishan sheegtay in arrintaas oo ah wax laga xumaado loo baahan yahay in baadhis buuxda lagu sameeyo si xaqiiqada jirta loo ogaado.
“Eedeymaha ah xad-gudubka galmo ee ay Haween Soomaaliyeed kula kaceen Askar ka tirsan AMISOM waa kuwo walaac xooggan i geliyay.” Sidaa ayuu yidhi Nyanduga warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda u qaabilsan Xuquuqd Aadanaha Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Tom Nyanduga ayaa ugu baaqay taliska AMISOM inay baadhis dhab ah ku sameeyaan xad-gudubkan ayna ciqaab adag mariyaan kuwii ku kacay falkaas foosha xun.
Mudane Keith Ellison ayaa sheegay in AMISOM ay ka ballan-qaaday inay eedeymahan baaritaanno dhameystiran ku sameyn doonaan, ayna kuwii dambiga lagu helo tallaabo adag ka qaadi doonaan. Keith Ellison ayaa sheegay inuu Taleefoonka kula xidhiidhay Madaxa KMG ah ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya El-Ghasim Wade, isla markaana uu u sheegay in Kufsiga ay Askartooda AMISOM kula kaceen Haweenka Soomaaliya ay si aad ah uga qayliyeen Soomaalida caalamka ku nool oo dhami, wax laga naxana ay tahay. “Wuxuu iga ballanqaaday mas’uulkan inaysan soo laaban doonin fal noocan oo kale ah.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Keith Ellison.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa iyaduna Kufsiga iyo Xad-gudubyada Xuquuqda Aadamaha, Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida-ba ka dhanka ah ee lagula kacay Haweenka Soomaaliyeed ka hadashay, waxaana War-Murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed lagu sheegay in dawladdu ay aad uga xun tahay in Shacabka ay Masuulka ka tahay si fool-xul loola dhaqmo, isla markaana ay aad u cambaaraynayso.
Waxa War-Murtiyeedka Raysal-wasaaraha Soomaaliya soo saaray uu ku sheegay in arrintaas ay Guddi Madax-bannaan u saari doonaan, isla markaana ay dawlad ahaan ka dalbanayaan Taliska Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya inay si dhaqso ah baadghis buuxda dhankooda ugu sameeyaan arrintaas, dawladda Soomaaliyana ay dhinaceeda ka samayn doonto baadhis madax-bannaan oo dhammaystiran sida uu qoraalkaas ku ballan-qaaday Raysal-wasaaruhu.
Hase-yeeshee, illaa hadda wax ballan-qaadyada dhinacyada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo ballan-qaadka sidoo kale Taliska AMISOM ee Soomaaliya sheegeen inay baadhitaan buuxa oo madax-bannaan ku samayn doonaan xogaha ay Warbixinta Hay’adda Human Rigths Watch baahisay la xidhiidha, ayaan illaa hadda haba-yaraatee wax ka soo baxay jirin, lamana garan karo inay sidaad rabaan in lagaga hadho iyo inay Tacaddiyadaa si wax looga qabto baadhis xaqiiq ah oo madax-bannaan soo saari doonaan iyo in kale. Balse waxay dadka wax falanqeeya qaarkood tilmaamayaan inaanay dawladda Soomaaliya iyo Taliska Midawga Afrika midkoodna daacad ka ahayn baadhista ay sheegeen inay samayn doonaan.
Minneapolis SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
