|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Buuhoodle,Bedelkiisina Magacaabay, Telefishanka Qarankana Hoos geeyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Xubin uu u Magacaabay Komiishanka Maamul Wanaaga

Hargaysa 15. February 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne ku Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle, Isagoo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee Gobolkaas, sidoo kalena Tv Qaranka waxa uu Hoose geeyey Wasaaradda Warfaafinta, halka uu Xubin Cusubna u magacaabay Komishanka Maamul-wanaagga.

Siilaanyo3Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Afhayeenka Cusub ee Qasriga Madaxtooyadda C.raxmaan Sheekh Cilmi Faahiye “Shamax” oo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Shabakadda Qurbejoog.com ayaa lagu sheegay in

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle;

 

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay hawshani khusayso;

 

Markuu Arkay:                     In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale Wuxuu Madaxweynuhu Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee Gobolka Buuhoodle Cismaan Ciise Maxamed waxaanu Madaxweynuhu ku Yidhi Xil ka qaadista Gudoomiyihii hore

 

“Waxaan kaaga mahadcelinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle. Xilalka Qaranka ayey dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado Xilka Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle. Sidaas darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejin doonto mas’uulka aan xilkaas u soo magacaabay.

Geesta kale Warsaxaafadeedkan ka soo Baxay Xarunta Madaxtooyadda Waxaa lagu Shaaciyey Xeer lagu Hoos gaynayo Telefishanka Qaranka Somaliland Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta.

Qoraalkan ayaa lagu Yidhi Markuu Madaxweynuhu arkay.

 

Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:               Ahmiyadda weyn ee uu TV-ga Qaranku u leeyahay Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                       In ay lagama-maarmaan tahay in Warbaahinta Dawladdu si toos ah isula jaanqaado;

 

Markuu Ka Fiirsaday:           In la middeeyo nidaamka maamul iyo siyaasadeed ee Warbaahinta Dawladda;

 

Markuu ku Qancay:              In ay habboon tahay in TV-ga Qaranka la hoos-geeyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta;

 

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan

 

  1. In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, uu maamul ahaan TV-ga Qaranku si toos ah u hoos iman doono Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

 

  1. In Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelintu uu si buuxda uga mas’uul yahay dejinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka lagu hagayo TV-ga Qaranka.

Dhanka Kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Wuxuu Magacaabay Xubin ka Tirsanaan doonta Komiishanka Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:                Ahmiyadda ay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                       In baahi loo qabo buuxinta Xubinta Komishanka Maamul-wanaagga;

 

Markuu Ka Fiirsaday:            Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:              In uu hanan karo xilkan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdi-naasir Cabdillaahi Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Comments are closed