|

Gudoomiye Muuse Biixi oo ku Guulaystay Qaybtii u weyneyd ee Qorshihiisii ahaa in Warbaahinta Dawladu u adeegto Siyaasadiisa Murashaxnimo

Hargaysa 15. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa la rumaysan yahay inuu ku Guulaystay Talaabadii Kowaad ee uu u qaaday in Mas’uuliyiinta aan La Dhacsanayn Siyaasadiisa laga bedelo Wasaaradaha Muhiimka ah.

wasiir cukuse oo ka codeeyay muuse biixiGudoomiye Muuse Biixi ayaa Mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa Sidii Warbaahinta Dawladu Maamusho ay u faafin lahayd Siyaasadihiisa Hasa yeeshee Waxay Wararku sheegayaan inuu Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka C.laahi Maxamed Daahir Cukuse uu u arkayay Mid lidi ku aha qorshihiisa maadaama Wasiir Cukuse uu si badheedh ah Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye Codkiisa ugu diiday Murashaxnimadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye inuu noqdo Muuse Biixi Cabdi.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Tilmaamaya in Madaxweyne Siilaanyo loo Jeediyey dalab ku aadan inuu Xilka ka qaado Wasiir Cukuse hasa yeeshee taasi Waxay u Cuntami weyday Madaxweyne Axmed Siilaanyo Balse Waxay aakhirkii keentay in Niskii danbe ee Xalay Wasiirkii Warfaafinta laga bedelo Xilkii Wasaaradaasi loona Magacaabo Wasiirka Cusub ee Xannaanadda Xoolaha,Iyadoo Bedelkiisana la Keenay Wasiirkii hore ee Duulista iyo Hawadda Mudane Cismaan Saxardiid Caddani oo Xulufo dhow la ah Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Isla markaana Wakiil uga noqon doona Sidii Siyaasadda Xisbiga Kulmiye ay Saamayn weyn ugu dhex yeelan lahayd Warbaahinta ay dawladu maamusho Sida Telefishanka Qaranka,Idaacadda Radio Hargaysa,Wakaaladda Wararka Solna iyo Wargaysyadda Dawan Media Group.

Comments are closed