Uncategorized

Madaxweyne Somalia oo u Baqoolay dhinaca Wadanka Talyaaniga,una dhaafi doona Maraykanka

Roma 17.Sep 2013 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay magaalada Rome ee dalka Italy.

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-300x199Afhayeen madaxtooyada Soomaaliya, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa  sheegay in madaxweynaha uu booqasho labo maalmood ah ku joogi doono dalka Talyaaniga, isagoo la kulmi doona madaxda dalkaas.

Safarka Italy kaddib, madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Washington DC oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale khudbad ka jeediyo xarunta Woodrow Centre.

Waxa uu markaas kaddib aadi doonaa gobolka Ohio halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyadda Soomaalida, kaddibna waxa uu aadayaa New York si uu uga qeyb-galo shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Roma SDN.

Qurbejoog.com