|

Madaxweyne Xasan: dagaalka Al Shabaab waa nagu kali

Muqdisho January 27, 2023 (QJ) – Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in markii uu bilaabanaayay ladagaalanka Al Shabaab aysan la dhalacsanen inta badan dadka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka, hayeeshee howlgalka lagu qancay markii Al-shabaab laga saaray deegaano badan.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in howlgalka uu ahaa mid loo dhabar adeegay oo ay fuliyeen Soomaali kaligeed, wuxuuna sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed dhiiranaantooda ay horseeday in Al-shabaab laga qabsado inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolada dalka, isagoona ku baaqay in la kordhiyo shirarka la isugu keenayo bulshada qeybaheeda kala duwan si la isaga kaashado horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka jeediyay Xalay casha sharaf uu u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee shalay galinkii dambe Muqdisho ugu soo gabagaboobay shirweyne halkaasi ay ku lahayeen sadax maalmood ee lasoo dhaafay.

Comments are closed