|

Mareykanka oo dilay madaxii Daacish ee Soomaaliya

Muqdisho January 27, 2023 (QJ) -Dawlada Mareyknka ayaa sheegtay in hawlgal ciidamadeedu qaadeen lagu dilay madaxii kooxda Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaaleysanayay buurlayda Calmiskaad.

Bilaal Al Sudani iyo ilaaladisii ku sugneyd degaanada la weeraray ayaa la dilay ka dib kolkii ay diideen in ay isu dhiibaan ciidamada Mareyknaka.

Marykanka ayaa Bilaal horu soo qabashadiisa u amray ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa ruux dhanka dakhliga iyo balaarinta saameynta Daacish ee Africa ku hawlanaa.

Madaxa waaxda Difaaca Mareykanka Loyd Austin ayaa xaqiijiyay dilka Bilal dawlada Soomalaiyana waxa ay soo dhaweysay hawlgalkaa lagu dilay masuulka sare ee ka tisanaa Daacishta Soomaaliya

Comments are closed