Muqdisho,6Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho kaga gudoomay warqadihii aqoonsiga safiirnimo danjiraha cusub ee boqortooyada Denmark ee Soomaaliya, Ms Mette Knudsen
.jpg)
Xasan Sheekh ayaa safiiradda cusub ee Denmark uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaadhay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo barnaamijyada Hiigsiga sannadka 2016-ka iyo weliba doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadkaas.
.jpg)
Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa boqortooyada Denmark uga mahad-celiyey doorka ay ka qaadaneyso horumarinta iyo dib u dhiska Somalia ka socda, taasoo dalku kaga gudbayo sannadihii fowdada.
.jpg)
Dhanka kale, safiiradda Denmark Mette Knudsen oo iyana hadal ay jeedisay ku sheegtay in dowladda Denmark ay sii wadayso taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo soo dhaweysay horumarka dhinacyada kala duwan ee ay sameeyay xukuumadda Somalia.
.jpg)
Ugu dambeyntii, munaasabadda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar iyo la-taliyaha madaxweyne Xasan, Dr Aweys Xaaji.
