Muqdisho Mar04,2013(SDN)-Xaakim ayaa xukun xarig ah ka dulqaaday Haweeney sheegtay dhawaan in ay kufsadeen ciidamada dawlada Soomaaliya,balse sheegay in sharciga uu waafaqsadaan xukun ku dhacay wariyihii haweeneyda wareystay.
Haweeneyda oo da’adeedu tahay 27 jir ayaa hore waxa loogu helay denbi ah in ay meel uga dhacday dawlada Soomaaliya kolkeey sheegtay in ciidamadu kufsadeen.
“Maxkamadu waxa ay garwaaqsatay in haweeneydu tahay dhabinaha dhabta ah ee lagu khalday in ay wareysiga bixiso”ayuu yiri xaakinkii dhegeysatay maxkamad aracfaanka aheyd.
Cabdicasiis Abdinur Ibrahim oo ah suxuufi madax banaan oo haweeneyda wareysatay ayaa maxkamada mar lala saaray ayaa isna maxkamadu xukunkii sanadka ahaa ugu bedelay lix bilood.
Haweeneyda oo aan magaceeda la shaacin ayaa maxkamada dhegeysigeeda ku sugneyd iyada oo uu weheliyo ilo yar oo ay dhashay oo lix bilood jira.
Cabdicasiis ayaa maxkamada dib looga kexeyay kiyoo gacmaha ka xidhan,isaga oo loo qaaday xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Kooxaha u ololeeya saxaafada ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga suxufi Cabdicasiis.
Halka Raaiisul wasaaraha Soomaaliya Md Cabdi Farah Shirdoon ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo siideynta haweeneyda islama markaana uu jeclaan lahaa in suxufigana la sii daayo.
“Cadaalada ayaa lagu dhawaaday,waxaanse jeclaan lahaa in goaanka suxuufigu uu ka duwanaado xukunka ku dhacay,ma qabo in wariyeyaasha loo xidho hawsha ay hayaan,xoriyatul qawlka waxaa kafaalo qaadaya Dastuurka dalka”ayuu raiisul wasaaruhu u sheegay AP.
Hay’ada u dooda xuquuql aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka xun tahay xadhiga suxuufiga.
“Maxakamadu waxa ay cafisay haweeney ay khalad aheyd in la xiro kolkii horeba,halka ay ogolaatay in la xiro weriyihii tebiyay tacadiga loo geystay,taasi waxa ay is hortaageysaa in cid danbe oo tacadi loo geystay ay soo bandhigto” sidaa waxa yiri Danial Belekle oo ah xiriiriyaha Human Rights Watch.
Saxaafada caalamka ayaa si weyn u hadal heysay xariga lagu xukumay Wariyaha iyo haweeneyda sheegtay in la kufsaday.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
