Hargeysa:09-Feb-2014(SDN)-Soo Guryo-noqoshadii Shalay ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa Noqotay mid si aad ah looga Hadal Hayo dhamaaanba Goobaha Dadku Iskugu yimaadaan ee Magaalada Hargeysa.
Waxyaabaha ku Cusbaa Soo Dhaweyntan shalay Dhacday, ayaa waxa ugu weynaa in Markii ugu horraysay la Fasaxay Ardayda Dugsiyada Dawladda Dhigata, iyagoo Arday Badan oo Basas Lagu Qaadayna la Geeyey Hareeraha Waddooyinka ku Dhaw Garoonka Cigaal International Airport oo ahayd meeshii uu madaxweyne Siilaanyo Ka Soo Degayey.
Madaxweynaha ayaa La Arkayey isagoo Baabuurkii uu saarnaa Dhexqaadayo Raxan Arday Si Fiican loogu Soo Labisay oo wadadda Hareeraheeda Si Habaysan loogu Safay, isla-markaana Lagu Taxay Calanka Somaliland iyo Caleemo qoran.
Tallaabadan Ardayda Waddooyinka loogu soo Saaray Xilli Waxbarashadu Furan tahay, ayaa ay Shabakadda Qurbejoog.com u Guurgashay, waxana aanu Ugu Dambayntii ogaanay in Wasiirka Wasaarada Waxbarashadu ay AMarkaas Bixisay, isla-markaana codsatay in Tiro badan oo Arday ah loo Qaado soo Dhaweynta Madaxweynaha.
Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo Warkan noo Xaqiijiyey, ayaa Tilmaamay in Gebi ahaanba Maalintiishalay Iskuuladda Ku Yaalla Hargeysa ay Fasax ahaayeen, waxana Dhammaan Bahda Waxbarashada ay Wasiirku Amartay inay ka Dhex Muuqdaan Soo Dhaweyntan.
Wasiir Saxsam cabdi aadan oo aanu isku Daynay inaanu Arrintan wax ka weydiiyo, ayaanay Noo Suurtogelin, waxase si cad loo wada Arkayey Arday Boqolaal Kor U dhaaftay oo Waddooyinka Magaalada Hargeysa uTaagnaa Soo Dhaweynta Madaxweyne Siilaanyo Taariikhda markii ugu horaysay la Gaadhsiiyey in Iskuulada Loo Fasaxo.
Marka Hadaba la Eego Hadal Haynta dadka shacabka ah ee Arrintan cusub iyo sida loo Turjumay, ayaa waxa lagu Macneeyey Astaan uu Caan ku Ahaa Madaxeynihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre oo ay Soo Dhaweyntiisa Bili Jireen Ardayda Dugsiyada Dawladdda Dhigata oo maalinta uu imanayo aan wax waxbarasho ah ku tali gali jirin.
Su’aasha ayaa ah Madaxweyne Siilaanyo Ma Ka War hayaa in Iskuuladii Dawladda Imaanshihiisa Loo Fasaxay, isla-markaana Dariiqyada Saacado Badan loo Taagay Arday yar yar oo Waalidkood wax barasho u soo Diray.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo iyadu Musdambeed u ah Siyaasadda Madaxtooyada lagu Hoggaamiye ee Kooxda Haweenka ahi Gadhawadeenka ka Yihiin, ayaa Noqotay mid ku Dhaqaaqda Tallaabo kasta oo ay u aragto inay Ku Raaligelin Karto Madaxweynaha iyo Marwadiisa oo ay Saaxiibo dhaw Yihiin.
S.D.N
