|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqbalay in Soomaaliya ay ciidamo u dirto dalka Yemen

Muqdisho,31Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii 3-aad booqasho ku joogga Wadanka imaaraatka Carabta, ayaa aqbalay in Soomaaliya ay ciidan u dirto Yemen.

Wadamada Khaliijka, ayaa wada qorshe ciidan ka socdo Wadamada Jaamacadda Carabta loogu dirayo Yemen, si talladii dalkaasi dib loogu soo celiyo gacanta Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay dhigiisa imaaraatka Carabta, Khalifa bin Zayed Al Nahyan, ayaa si dhow waxay kaga wada hadleen xaaladda murugsan ee Yemen ka jirta iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Madaxweynaha imaaraatka, ayaa dhigiisa Soomaaliya ka codsaday inay Somaliya ciidan u dirto dalkaasi, si ay qayb kaga noqdaan dagaalka lagula jiro Xoogaga Shiicada Yemen Ee Xuuthiyiinta.

 ??????????????????

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo dhaweeyay in Soomaaliya, ay Yemen u dirto ciidan gaaraya lix illaa sideed kun oo askari. Ciidamadan waxay ka kala imaan doonaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya ka dhisan, waxaana dhaqaalaha bixinaya imaaraatka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaam Hadliye Cumar, oo ka mid ah xubnaha la socda Madaxweynaha, ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimaha dalka Yemen.

 

“Arrimaha Yemen ayaa  laga hadlay, horeyba waan u sheegnay inaan ogolnahay in dib xukunka loogu soo celiyo Dowladdii Sharciga ahayd ee Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi. Waxaanu u sheegnay inaan weli garab taaganahay Ciidamadooda dagaalka kula jira Kuwa argagixisada ah iyo kuwa diidan in Yemen ay nabad noqoto.” Ayuu yidhi Hadliye.

 

Wasiirka, ayaa sidoo kale yidhi “Anaga danweyn ayaa noogu jirta dalka Yemen, waa wadan aan isku daariiq nahay, waa dal Muslim ah waa dal horey gacan u siiyay Somaliya intii burburka uu Jiray, waxa uuna soo dhaweeyay toddobo boqol oo kun oo qaxooti Soomaali ah oo dalkaas waqti hore miciinbiday.”

 

Wasiir Hadliye oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaan soo hadalqaadin arrinta la xidhiidha in Soomaaliya ay ciidan u direyso dalkaasi Yemen iyo in kale, marka laga soo taggo in Soomaaliya danweyn ugu jirto dalkaasi.

 

Dad badan, ayaa is weydiin kara goorta ay Somaliya gaartay inay ciidan u dirto dal ay dagaalo sokeeye ka soconayan, haddii dalkeeda ay ku sugan yihiin in ka badan 22 kun oo askar shisheeye ah.

Xigasho: Dhacdo

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed