|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wafdigii dhawaan booqday Magaalada Kismaayo

Muqdisho Dec 30 2012 (SDN)— Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay masuuliyiintii booqashada ku tagay magaalada Kismaayo.

Muhiimada kulanka ayaa waxaa uu ahaa Mid ay iska warqaadanayeen Masuuliyiinta tagtay kismaayo ee la shiray maamulka KMG iyo Madaxwaynaha dalka.

Masuuliyiintii kulankan ka qaybgalay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha,Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka,Wasiirka cadalaada iyo Arimaha diinta iyo Saraakiil.

Wasiirka Arimaha gudaha C/kariim Xuseen Guuleed ayaa Madaxwaynaha u sheegay in Kismaayo ay kula soo shireen maamulka magaalada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada guulna uu ku soo dhamaaday socdaalkoodii Jubada hoose.

Ugu dambayn Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ugu mahad celiyay Wafdiga dowlada ee Kismaayo tagay waxaana uu caraabay inay dowlada ay wado qorshe maamul loogu samaynayo Jubooyinka.

SDN-Muqdisho

Comments are closed