|

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa booqasho ku tegay Garbahaareey(SAWIRO)

Muqdisho Aug 01 2014(SDN/QJ)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, oo manta booqday Garbahaarreey ayaa sheegay in xaalad nolol xumi ahi ay soo wajahday dadka gobolka isala markaana ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku in ay gargaar beni’adamnimo la soo gaaraan dadka ku nool degaannadaas.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ayaa socdaal maalin ah oo uu ugu kuur galayo xaaladda nolosha gobolka Gedo wuxuu ku tegey magaalada xarunta ah ee Garbahaarreey, ka hor intii aanuu Muqdisho ku soo laaban galabta.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garbahaarreey wuxuu kulamo la qaatay maamulka degmada, saraakiisha ciidamada, odayaal dhaqameedka, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Intaa ka dibna wuxuu soo maray qeybo magaalada ka mid ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegey xero ay ku jiraan askar kun kor u dhaaftay oo ka tirsan ciidamadda xoogga Dalka Soomaaliyeed islamarkaana ku ammaanay sida ay uga adkaadeen kooxaha nabadda ka soo horjeeda iyo sida ammaanka gobolka ay uga shaqeynayaan.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay u gargaaraan walaalahood abaartu ay la soo gudboonaatay. Sidoo kale wuxu Hey’adaha samafalka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba ugu baaqay inay gargaar soo gaarsiiyaan dadka ay roob la’aantu saameysay si kasta oo ay ku soo gaarsiin karaan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay Madaxweynihii labaad ee abid soo booqday Garbahaarreey, aadna wey ugu mahad celiyeen.

IMG 6928
IMG 6930
IMG 6934
IMG 7018
IMG 7046
IMG 7061
IMG 7073
IMG 7082
IMG 7099
IMG 7111
IMG 7173
IMG 7230
IMG 7240
IMG 7251
IMG 7322
IMG 7333

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed