|

SIR CULUS : Cukuse iyo Fanaaniinta Xiddigaha Geeska iyamaa Khiyaameeyey Qaranimada Somaliland (Nala Daawo)

London (1Aug14SDN/QJ)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa si badheedh ah u weeraray fannaaniinta da’da yar ee xiddibiga Geeska, isaga oo ku eedeeyey inay meel ka dhaceen qaranimada Somaliland.
Haseyeeshee, Wasiir Cukuse waxa uu eedayntaasi ku hoos-qarinayaa fadeexado heer Qaran Gaadhsiisan oo ka dhex-dillaacay Wasaaradda Warfaafinta, kaas oo kusaabsan Ceeb Qaran oo ka dhacday Xarunt a Telefishanku ku leeyahay magaalada London oo lagu dhex-sameeyey Heeso Waddani ah oo loogu talo-galay dawladda Soomaaliya.Wasiir Cukuse Oo Luuqadii Ugu Adkayd Kula Hadlay Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska.

Boqolaal kun oo dollar ayaa lagubixiyaa Fanaaniintan heesaha wadaniga usameysay xamar kuwaasi oo Ticket ka ama Diarada iyo Hotel-ka ay seexaneeayaan loogu kiraayo oo uu ka kowyahey Fanaankan Cabdi Qaboojiye oo ay heyb wadagaan Masuulka ugu sareeya Somaliland ,Taaba waxa ka siidaran Qalabkii Tvga SLNTV oo si aan gabasho laheyn loogu Adeegey dowlada Xamar looguna sameeyey heestan oo ka qeyb ah heeso wadaniya oo Dowlada Somaliya loo sameryey.

e iyoeesSIR CULUS : Cukuse iyo Fanaaniinta Xiddigaha Geeska  iyamaa Khiyaameeyey Qaranimada Somaliland (Nala Daawo)

Fanaaniinta Xidiguhu waxay dalka usameeyaan wacyigalin iyo heeso wadaniya oo ay shacbiga ku abaabulayaan adkeynta qaranimada Somaliland ma jirto wasaarad ay ka qaataan wax lacag ah oo mushahara sidoo kale iyaga ayaa iskood shacbigooda ugu dadaala waxaana ayaan daro ah Mr. Cukuse oo isagu ah ka qarankan khiyaameeyey rabo inuu iska leexiyo balse saxaafad aan iyadu dhaafeyn oo madaxbanaan ayaa Rabi ku maneystey Somaliland taas oo soo bandhigtey waxa runta ah ee jira iyo Siraha qarsoon .

 

Daawo Hoos Fadeexada Cakuse Dulhoganeysa iyo Xuseen shire jamac ciyaar jecel oo diday inuu xuso magaca tvga qaranka somaliland iyo inu qado hees wadaniya oo somaliland bal nala dawada labada waraysi.


Comments are closed