Jabuuti Dec 17,2011(qurbejoog.com)-Waxa dhawaan dalka Jamhuuriyada Jabuuti safar gaaban ku yimi xoghayaha difaaca ee dalka Mareykanka Leon Panetta oo ku jiray olole lagu dardar gelinayo la dagaalanka argegixida geeska Africa gaabaadka ka dhigatay beryahan danbe.
Mr Panetta waxa uu qorshihiisu ahaa in uu dalalka geeska Africa mid ka mid ahi noqdo hurmuudka ololahan Mareykanku wado.
Sidoo kale waxa Mareykanku doonayaa in dalalka geeska Africa qudhoodu ololahaan ay u dhamaadaan.
Warar ka soo baxay ilo ku dhawdhaw xukuumada Jabuuti ayaa sheegaya in xoghaye Panneta doonayay in uu la kulmo qaar ka mid ah masuuliyiinta Somaliland inta uu ku gudo jiro safarkiisa Jabuuti,balse Jabuuti ka dhego adeegtay damacaasi.
Jabuuti iyo Somaliland ayaaney beryahan danbe hagaagsaneyn cilaaqaadkoodu ka dib kolkii uu madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle dhawaan saxaafada ka weeraray Qadiyada Somaliland.
Wasaarada difaaca Mareykanka waxa ay mudo dheer dooneysay in xidhiidhka ay dawlada Mareykanku la wadaagto Somaliland in halka ugu sareysa la gaadhsiiyo.
Waxa ay wasaaradaasi sanadii 2006dii soo jeedisay in xarunta ciidamada Mareykanka ee Africa laga dhiso Berbera,wasaarada arrimaha dibedda oo ay cadaadiyeen dalalka geeska Africa ayaa talaabadaa is hortaagtay.
Si kastaba ha ahaatee waxa sii xumaanaya xiriir aan kolkii horeba cago badan ku taagneyn oo u dhexeeyay Somaliland iyo Jabuuti.
Qurbejoog-Jabuuti
