Uncategorized

Magaalada Minneapolis oo laga furay: Hay’adda Minnesota Somali Champer of Commerce

Minneapolis July 09,2013(SDN)-Waxaa magaalada Minneapolis, ee gobolka MN, maalintii ay bishu aheed July 6 deedii looga dhawaaqay hay’ad cusub oo loogu magac daray: Minnesota Somali Champer of Commerce. Hay’adaan oo wax wayn ka badali doonta ganacsatadda Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota oo ah meeshaa ay degan yihiin Soomaalida ugu tiro iyo tayo badan cariga waqooyiga Maraykanka, isla markaana ay gancasatadda Soomaaliyeed sida aadka ah uga dhex muuqdaan.

Hay’addaan oo dadka soo abaabulay ay isugu jiraan dhalin yaro rag iyo dumarba leh, oo qaarkood ganacsiga wax badan ku jiray iyo kuwo ku cusuba, ayaa sida ay sheegeen waxa wax wayn ku soo kordhin doona sida ganacsatada Soomaaliyeed ee degan gobolkaan ugala talin lahaayeen sidi ay ku abuuri lahaayeen ganacsi taaba gal ah. Sidoo kale, hay’addaan waxay kale ka kaalmaynaysaa ganacsatada Soomaaliyeed dhinaca talooyinka, sidi ay ugu sameeyaan xayaysiin ganacsatada Soomaaliyeed iyo diiwaan gelin ay ku sameeyaan ganacsiga Soomaaliyeed sida meheradahooda iyo waxyaalaha ay ka ganacsadaan.
Xafladaan oo ay ka hadleen dhamaan dadkii soo abuuray amd ka qaybtada fikrada hay’adda, ganacsato Soomaaliyeed, culimo udiin iyo wax garadkii Soomaaliyeed ee lagu casumay furitaanka hay’adda. Ugu danbayn madaxa hay’ada Mohamud Bene Bene ayaa waxaa uu ka codsaday ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh gobolkaan Minnesota in ay ka noqdaan xubin hay’adda madaama uu ka mid noqoshaha xubun ka tirsan hay’adda ama waxa loo yaqaan membershipka uu yahay sida ugu muhiimsan ee uu dakhliga la filaayo in uu noqdo laf dhabarka hay’ada iyo howl galkeeda uu ku imaan karo.
Daawo sawiradii furitaanka hay’adda: 
Waxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay “buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida ee degan Minneapolis, ee gobolka Minnesota at junlay99@aol.com.