|

Magaaladda Buuhoodle Iyo Baaxaadaga Siyaasadeed ee Ka Oogan + Isku dhac laga Warwar qabo inuu dhex maro Wasiir Xaglo Toosiye Iyo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Galaydh

Buuhoodle 8. February,2016(SDN/QJ):– Ciidamada wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye iyo kooxo hubaysan oo taageersan hogaamiyaha dibad wareega ah ee Cali Khaliif Galaydh ayaa dadku ka cabsi qabaan inay inuu dhac ku dhex maro magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle.

 

xaglo toosiye iyo prof galaydhCiidamada oo ku wada sugan magaalada Buuhoodle ayaa ah kuwo ay marwalba suurtogal tahay inay dagaalamaan,sida ay shabakada Qurbejoog u sheegeen dadka degaankaasi qaar kamid ahi.

Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa weli ku sugan magaalada Buuhoodle,iyada oo wararka qaarkoodna sheegayaan inuu hogaamiye Cali Khaliif Galaydh iskaga baxay magaalada una baxay degaanada ku xeeran.

Shalay ayay ahayd markii uu mid kamid ah ciidamada wasiir Xaglatoosiye uu sheegay in uu iska casilay ciidamadii uu kamidka ahaa ee ilaalada u ahaa wasiirkaasi.

 

Dhanka kalena xafiiska telefishanka Somali Chanel oo ahaa telefishanka duubay warkaasi ayaa dablay hubaysan oo lagu sheegay inay ka amar qaataan wasiir Xaglatoosiye rasaas ku fureen,iyaga oo qaatay qalabkii yaaley xafiiskaasi.

 

 

Ilaa hadda lama oga meesha ay ku dambayn doonto xaalada degaankaasi oo ah mid isbed bedel badan ,madaama oo ay isku hayaan laba siyaasadood oo kala taabacsan Somaliland iyo Somaiya.

Comments are closed