Uncategorized

Nus-qarni Kadib Maraykanka Oo Wafti U Diray Dalka Cuba

Havana:Jan,19,2015(SDN/QJ)-Muddo nusqarni ah kadib ayey Maraykanku wafti dalkooda ka socda u direen dhigooda Cuba oo colaad guun ahi dhextaallay balse dhawaan ka heshiiyey arrintaas, waxana waftigan ka socdaa Cogress-ka maraykanka.

siroSiyaasiyiintan maraykanka oo ka tirsan xisbiga demoqaraadiga ayaa waxa ay la kulmi doonaan saraakiisha Cuba iyo hoggaamiyaasha shacabka, waxayna ka wada xaajoon doonaan tallaabooyinka muhiimka ah ee loo baahanyahay in la qaado sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhka dibloomaasiyadeed ee go’ay 1961-kii.

Maraykanka ayaa waxa uu qafiifiyey xayiraadihii safarka ee uu ku soo rogay Cuba, halka Cuba-na ay xabsiga ka sii daysay in ka badan 53 maxabiis, kuwaasi oo ay codsatay Washington in la sii daayo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com