|

“Majeerteen Intuu Umaddii Xasuuqay Ayay Haddana Waa Wareey Yaa Daaroodaay Yidhaahdeen, Markaasuu Daarood..” Cali Khaliif Galaydh

cali khaliif galaydhBalli-cad,14Nov,2015(QJ/SDN)-Cali Khaliif Galaydh, oo ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari, ayaa quus ka muujiyay qaddiyad dhawaan reer Puntland qalqaalinayeen oo ku saabsan in bulshada haybta guud la isku yidhaahdo Daarood la isku keeno. Waxa uu sheegay inaanay Bulshada Majeerteen isku hallayn karrin kadib markii ay ku baaqeen gogol nabadeed oo dhex marta bulshada Cali Khaliif ka soo jeedo.

Waxa uu ku hanjabay inaanay cidna nabad ka baryayn, isagoo sheegay in ciidamada reer Puntland dul hoganayaan deggaannada uu ka soo jeedo, islamarkaana uu ka shakisan yahay gogosha ay fidiyeen. Wuxuu sheegay in qaddiyadda Daaroodiyada ay u soo joogsadeen bulshada ku nool Kismaayo, balse aanay waxba ka soo naaso caddayn.

“Intay Umaddii xasuuqeen ayay haddana waa wareey, yaa Daaroodaay yidhaahdeen, markaasuu Daarood muushuu jirayba iskaga yimid khaasatan qolyaha reer Kismaayo. Magaalooyinka Sool iyo Sanaag, magaalada Boocame wiigii u dambeeyay ciidamadoodii waa dul tuban yihiin,” ayaa hadalka Cali Khaliif ka mid ahaa.

QJ/SDN: Hargeysa 

Comments are closed